4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2019
Maxkamada gobolka Maroodi jeex oo xukun lix bilood ah ku riday Maxamed Sidiiq Dhamme

 

Khamiis, June 27, 2019 (HOL) – Maxkamadda gobolka Maroodi jeex ayaa maanta ku xukuntay gudoomiyihii garabka dhallinyarada ee xisbiga WADANI lix bilood oo xadhig ah ka dib markii lagu helay dambi ah aflagaado madaxweyne.

Gudoomiye Maxamed Siddiiq Dhamme oo muddo laba bilood xidhnaa ayaa saaka la soo gabogabeeyey dhagaysiga xukunkiisa, waxaana lagu soo eedeeyey laba eedood oo kala ah inuu qoray qoraalo uu ku kicinayo shacabka gobolka Sanaag si ay uga soo horjeestaan xaaladdii degdeg ahaa ee lagu xukumay, iyo inuu aflagaadeeyey madaxweynaha qaranka Muuse Biixi, haseyeeshee hadda waxa lagu helay uun aflagaado madaxweyne qaran halka lagu waayey eeddii hore ee kicin dadweyne.

Maxamed Dhamme ayaa bartiisa uu ku leeyahay baraha bulshadda ku qori jirey qoraalo ay dhibsatay xukuumaddu, taasina waxay keentay iin xabsiga loo taxaabo, haseyeeshee xukunka gaaban awgeed waa mid loo iibin karo xadhiga lagu xukumay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland