3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2019
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qorshaheeda Galmudug

 

Khamiis, June, 27, 2019 (HOL)- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ku sugan degmada Cadaado ayaa fasiraad ka bixiyay qorshaha dowladda Soomaaliya ee la xiriira dhismaha Galmudug mideysan.

Ra’iisal wasaaraha oo meel fagaaro ah kula hadlayay bulshada degmada Cadaado ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya dadaal ku bixineyso in si buuxda loogu taageero shacabka ku dhaqan deegaannada Galmudug in ay go’aan ka gaaraan dhismaha maamulkooda.

Waxaa uu intaa ku daray in dowladdu ay gacan ka gaysaneyso qabashada dooraasho Galmudug oo xor iyo xalaal ah taas oo dhabbaha u xaareysa ka shaqaynta danaha iyo mustaqbalka reer Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maalintii shalay safar dhulka ah ku tagay degmada Cadaado, waxaana deegaanka Godinlabe ku soo dhaweeyay oo uga hortagay wafdi uu horkacayay madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maalmo ka hor isaga tagay degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud, halkaa oo muddo ka badan sanad fariisin u aheyd maamulka Galmudug kaddib heshiis dhaxmaray maamulkii gobollada dhexe ee Ahlu Sunna.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   
 













Click here
6/27/2019 3:47 PM EST
Khamiis, June, 27, 2019 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isaga oo ku sugan magaalada Beledweyne ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaallo culus oo qeybo ka mid ah gobollka ku dhaxmaray labo maleeshiyo beelleed.

6/27/2019 11:19 AM EST
Khamiis, June, 27, 2019 (HOL)-Mashruucan oo ah boodhin loogu talagalay agoonta ayaa laga dhagax dhigay waqooyiga magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

6/27/2019 10:12 AM EST
Khamiis, June, 27, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa ugu hambalyeeyay xilkan dhawaan loo soo magacaabay.

6/27/2019 8:27 AM EST
Khamiis, June, 27, 2019 (HOL)-Shir ay isugu yimaadeen madaxda dhaqanka, cuqaasha, waxgarad iyo culimada ayaa ka furmay maanta magaalada Buuhoodle kaas oo lagaga arinsanayo sidii Gudi maamul loogu samayn lahaa degaankaas.

6/27/2019 8:05 AM EST
Khamiis, June, 27, 2019 (HOL)-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo maanta labo maleeshiyo beelleed ku dhaxmaray deegaannno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

6/27/2019 4:53 AM EST
Khamiis, June, 27, 2019 (HOL)- Guddiga ku meel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa dhammaan xubnihii ka tirsanaa waxaa ay ku dhawaaqeen inay is casileen,kaddib shir jaraa'id oo khamiista maanta ah ay ku qabteen magaalada Garoowe.

6/27/2019 4:36 AM EST
Khamiis, June, 27, 2019 (HOL)- Saddex qof ayaa geeriyooday, kaddib markii gaadiidka gaashaaman ee ciidammada AMISOM ay ku jiireen mooto ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda waddada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.

6/27/2019 4:09 AM EST
Khamiis, June, 27, 2019 (HOL)- Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaadday qorshe cusub oo lagu doonayo in lagu kala sooco muwaadiniinta Kenyanka ah iyo qaxootiga ku nool xeryaha ku yaalla dalkaas.

6/27/2019 3:10 AM EST
Khamiis, June, 27, 2019 (HOL)-Madaxtooyada Somaliland ayaa wax laga xumaaday ku tilmaamtay hadal ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya iyo dabaaldega uu maalinta 26 june ugu sameeyey magaaladda Muqdisho.

6/27/2019 3:07 AM EST
Khamiis, June, 27, 2019 (HOL)- Maxkamadda gobolka Maroodi jeex ayaa maanta ku xukuntay gudoomiyihii garabka dhallinyarada ee xisbiga WADANI lix bilood oo xadhig ah ka dib markii lagu helay dambi ah aflagaado madaxweyne.