4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2019
Maxkamadda ICJ oo muddeysay xilliga la dhageysanayo dacwada Badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya


Arbaco, June, 26, 2019 (HOL) -Maxkamadda caalamiga ah ee  cadaaladda (ICJ) ayaa ku dhawaaqday xilliga ay dib u billaabeyso dhageysiga kiiska Soomaaliya ay u gudbisay ee ka dhanka ah Kenya.

ICJ ayaa war qoraal ah oo xalay ka soo baxay waxaa  lagu sheegay  in 9-ka illaa 13-ka bisha September ay dhageysan doonto doodda labada dhninac ee xuduudda badda. Dhageysiga ayay maxkamadda u qeybisay laba wareeg oo afar maalmood gudahood ku dhici doonta.

Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay muddo dheer, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2019-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

Markii hore kiiska wuxuu ku saabsanaa in ICJ ay dhagesan karto muranka laba dal ayna go'aan ka gaari karto. Dood dheer kaddib, bishii February ee sannadkii 2018-kii ayay maxkamadda cadaaladda caalamka go'aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo. Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

Hoos ka akhri qoraalka maxkamadda oo Af Ingiriis ku qoran;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]