Arbaco, June, 26,
2019 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo
wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa u hambalyeeyay
dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa si
qoto-dheer u soo bandhigay muhiimadda maalinta 26-ka Juun oo xusuus weyn u leh
shacabkeenna maadaama ay ahayd ilayskii koowaad ee halgankii xornimo doonka iyo
maalintii koowaad oo calan soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah.
"Halgankii guumaysi diidka iyo Soomaalinnimadu waxa
uu ahaa mid ka soo bilawday Gobollada Waqooyi. Waa kuwii awooddooda iyo
hal-abuurkooda u isticmaalay baahinta iyo faafinta dareenka waddaniyadeed ee
Soomaali oo qura, Soomaali oo qab leh, Soomaali ku wada nool hal dawlad iyo hal
calan."
Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka
Soomaaliyeed in ay dib u milicsadaan sooyaalka wanaagsan ee dalkeenna, isaga oo
walaalaha Waqooyiga ugu baaqay inay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka
ummadda Soomaaliyeed,
"Haddii marka dadka Waqooyi hormuud u ahaayeen
dareenka gobonnimo doonka iyo waddaniyadda, waxaan hadda ugu baaqayaa inay
hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya si aan caqligeenna,
cududdeenna iyo hadafkeenna u midayno, ugana shaqayno mustaqbalka ubadkeenna
iyo maslaxadda dalkeenna iyo dadkeenna."
Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa hadallo ku aaddan
halgankii xorriyadda iyo hiigsiga dadka Soomaaliyeed ee waqtigaas ka jeediyey
masuuliyiin horey xilal uga soo qabtay dalka iyo waxgarad Soomaaliyeed oo
goobjoog u ahaa taariikhdaas. Sidoo kale, Hobballada Qaranka ayaa madasha ku
soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado isugu jira xasuusin, dhiirrigelin iyo
dardaaran oo ay ku maamuusayaan maalintan qiimaha badan ee 26-ka Juun.
Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo
salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambaydunu
ay ku maamuusayso heesta Calanka ayaa calan-saaray Aqalka Dowladda Hoose ee
Xamar, halkaas oo ay munaasabaddu ku qabsoontay.]
Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha
Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho
Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna
Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, xubno ka
tirsan Golayaasha Dowladda, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida, Diblumaasiyiin
iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]