4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2019
Shir maanta uga furmi lahaa Somaliland iyo Soomaaliya magaaladda Nayroobi oo baaqday


Talaado, June 25, 2019 (HOL) – Kulan lagu sii anbo qaadayey wada hadaladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya oo maanta loo balansanaa magaaladda Nayroobi ayaa baaqday ka dib markii weftigii ka socday Soomaaliya aanay ka soo qaybgalin.

Shirkan waxa saaka ku kaliyeysta weftigii Somaliland ka socday oo ay ku wehelinayeen beesha caalamka doonaysay inay goobjooga ka noqonayey dib u furitaankii wada hadaladii labadda dhinac u socday oo muddo dhawr sanadoood aan la isku iman.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Yaasiin Farotoon oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhanka Soomaaliya ka baaqday shirkaasi,isla markaana weftigii ka socday Soomaaliya lagu wargaliyey in aanay ka qaybgalin shirkaasi wakhti saacado kooban uu ka hadhsanaa wakhtigii la bilaabi lahaa shirka.

Wasiirku waxa uu sheegay in markasta ay iyagu diyaar u yihiin inay la hadlaan Soomaaliya, haseyeeshee waxa uu dhinaca Soomaaliya ku eedeeyey in aanay daacad ka ahayn wada hadaladaasi.

Dhinaca weftiga Soomaaliya ka socda oo uu hogaaminayey agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Nuur Diiriye ayaa isagu ku qoray boga uu ku leeyahay baraha bulshada qoraal uu ku sheegay in aanay kulankaasi ka qaybgali doonin, balse ay ka qaybgali doonaan marka meel ku haboon iyo ajandaha shirka la isla fahmo.

Shirkan ayaa ahaa mid farsamo oo lagu diyaariyey wada hadaladda la filayey inay u bilowdo labadda dhinac, taas oo muddo dheer la sugayey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland