4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2019
Norway oo xoojinaysa howlgalkeeda Puntland


Talaado, June, 25, 2019 (HOL) –Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Safiirka dalka Norway ee Soomaaliya Ms Elin Bergithe Rognlie iyo wafdi la socda oo Puntland soo gaadhay.

Madaxweynaha Puntland iyo weftiga Safiiradda ayaa qaatay kulan balaadhan oo looga hadlayo sidii loo sii horumarin lahaa mashaariicda Dowladda Norway ay ka fuliso gudaha Puntland, kulanka Kadib Madaxweynaha iyo Safiiradda ayaa si wada jira u faahfaahiyey dulucda kulankooda.

"Waxaan Dowladda Norwey uga mahadcelinaynaa mashaariicda faraha badan ee ay ka fuliso guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan kuwa horumarineed ee Puntland ka socda qeybahooda kala duwan, mashaariic fara badan oo dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka ah oo hana qaaday, waxaan sidoo kale rajaynayaa in mustaqbalka iyo mashaariicda soo socotana gacan weyn ka gaystaan kuwa guud ee ay kala qeyb qaataan hay'addaha UN-ka, EU-da iyo hay'addaha kale, sidoo kale waxaan rajaynayaa in ay mashaariic badan dowladda iyo kobcinteeda maamulka iyo hormarinta guud qeyb ka qaadan doonaan" Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa dowladda Norwey uga mahadnaqay wadashaqaynta wanaagsan ay leeyihiin Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxaana uu sheegay inuu rajaynayo in wadashaqayntaasi intaa kasii wanaagsanaato.

"Waxaan rajaynayaa in xiriirka Norway la leedahay Soomaaliya uu noqon doono mid wanaagsan oo sii waara, waan uga mahadcelinaynaa garab istaaggoodii muddada dheer, guud ahaan Soomaaliya ay garab taagnaayeen, waxaana rajaynanaa in wada-shaqaynteenu noqon doonto mid wanaagsan oo labada dhinacba isfahan iyo horumarka guud ka dhasho". Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Safiiradda dalka Norwey ee Soomaaliya Ms. Elin Bergithe Rognlie ayaa dhankeeda ka mahadnaqday qaabilaadda wanaagsan ee uu Madaxweynaha Puntland ku qaabilay qasriga Madaxtooyada Garoowe, waxaana ay dhankeeda caadaysay in Norwey iyo Soomaaliya leeyihiin wadashaqayn wanaagsan oo amin walba sii amba qaadaysa, dhanka kale Safiiradda waxay ay xustay inay sii wadidoonaan wada-shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa dalkeeda iyo Puntland.

kulanka Madaxweynaha iyo Safiiradda waxaa ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Bilayaha Axmed Maxamed Yuusuf ( Taaraan ), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Yaasiin Mire Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf iyo Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]