4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2019
Wafdi ka socda dowladda federaalka oo soo gaaray magaalada Beledweyne

 

Talaado, June, 25, 2019 (HOL)-Waxaa goor dhaw ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne wafdi ka tirsan labada Gole ee dowladda Soomaaliya oo uu horkacayo Wasiirka Wasaarradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre.

Wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay qeyb ka noqdaan xalinta khilaafka ka dhashay xil ka qaadistii uu madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle mudane Maxamed Cabdi Waare uu ku sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.

Yuusuf Dabageed ayaa wali ku adkeysanaya xafiiska isaga oo diiday in uu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee la soo magacaabay Cali Maxamed Caraale, waxaana uu xil ka qaadistiisa ku tilmaamay shaci darro, isaga oo dhanka kalana sheegay in uusan aqoosaneyn maamul gobolleedka Hirshabeelle.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa...

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]