3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2019
Diyaar garowga u dambeeyay ee maalmaha xorriyadda oo ka socda Muqdisho


Talaado, June, 25, 2019 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa caasimadda Muqdisho ka wadda diyaar garow la xiriira toddobaadka xorriyadda oo Arbacada berri ah ka billaaban doona.

Waddooyinka waa weyn ee caasimadda Muqdisho ayaa aad looga dareemaya diyaar garowga, waxaana socda dedaallo ay wadaan guddi loo xilsaaray.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ahna guddoomiyaha guddiga qaban qaabada   maalmaha xorriyadda ee 26ka Juun iyo 1da Luulyo ayaa sheegay sannadkan inuu xuska maalmaha xorriyadda u dhici doono si weyn.

Gobollada kale ee dalka ayaa sidoo kale uu ka socda diyaar garow la xiriira toddobaadka xorriyadda oo sannad walba dalka laga xuso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
6/25/2019 1:03 PM EST
Talaado, June, 25, 2019 (HOL)-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya War-saxaafadeed kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Sucuudigu uu xayiraadii xoolaha Soomaaliya saarneyd ka qaaday.

6/25/2019 12:57 PM EST
Talaado, June 25, 2019 (HOL) – Kulan lagu sii anbo qaadayey wada hadaladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya oo maanta loo balansanaa magaaladda Nayroobi ayaa baaqday ka dib markii weftigii ka socday Soomaaliya aanay ka soo qaybgalin.

6/25/2019 11:12 AM EST
Talaado, June, 25, 2019 (HOL) –Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Safiirka dalka Noorwey ee Soomaaliya Ms Elin Bergithe Rognlie iyo wafdi la socda oo Puntland soo gaadhay.

6/25/2019 10:36 AM EST
Talaado, June, 25 2019 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta wareegto ku soo saaray inuu laallay xaaladdii degdega ahayd ee uu ku soo rogay deegaannada Ceerigaabo, Ceel-afweyn iyo Gar-adag oo ka tirsan gobolka Sanaag.

6/25/2019 7:39 AM EST
Talaado, June, 25, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Austria iyo Canada ee Soomaaliya.

6/25/2019 5:25 AM EST
Talaado, June, 25, 2019 (HOL)-Waxaa goor dhaw ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne wafdi ka tirsan labada Gole ee dowladda Soomaaliya oo uu horkacayo Wasiirka Wasaarradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre

6/25/2019 4:28 AM EST
Talaado, June, 25, 2019 (HOL) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horreysay ka hadashay shir la sheegay in magaalada Nairobi uu ku dhaxmari doono mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo Soomaaliland.

6/25/2019 4:10 AM EST
Talaado, June, 25, 2019 (HOL) –Shirkadda diyaaradaha ee dowladda Kenya ayaa diyaarinaysa sidii ay duulimaad toos ah ugu tagi lahayd magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland, sida lagu baahiyay shabakadda arrimaha ganacsiga ka faalloota ee Busiweek.

6/25/2019 2:35 AM EST
Talaado, June, 25, 2019 (HOL)–Xukuumada Somaliland ayaa amartay in shirkadaha kireeya Chanalladda ay ka saaraan daawashadda labadda telefishan ee Eryal tv iyo Horyaal oo xayiraad lagu soo rogay iyo Telefishanka qaranka Soomaaliya.

6/25/2019 1:42 AM EST
Talaado, June, 25, 2019 (HOL) – Madaxweyne Trump ayaa qalinka ku duugay cuanqabateyn cusub uu ku soo rogay dalka Iran, cunaqabateynka oo saameyn u geysanaya hoggaamiyaha ruuxiga Iiraan Ayatollah Ali Khamenei.

6/25/2019 1:03 AM EST
Talaado, June, 25, 2019 (HOL) – Madaxweynaha dowlada dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dib ugu laabtay degmada Cadaado kaddib khilaaf soo kala dhaxlagay isaga iyo maamulkii gobollada dhexe ee Ahlu Sunna oo markii hore ay ku midoobeen Galmudug.