4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2019
DFS : Kama qeybgaleyno shirka la sheegay inuu ka dhacayo Nairobi diyaar ayaanse u nahay wadahadalka Soomaaliland

Talaado, June, 25, 2019 (HOL) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horreysay ka hadashay shir la sheegay in magaalada Nairobi ay ku yeelan doonaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo Soomaaliland.

Wararka la xiriira shirka ayaa horey loogu sheegay wafdiga dowladda Soomaaliya inuu hoggaamin doono agaasimaha madaxtooyadda Soomaaliya,balse war qoraal ah oo uu goor dhow ku baahiyay bogga twitterka ayuu ku xaqiijiyay dowladda Soomaaliya inaysan shirka ka qeybgaleyn.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya kama qeyb galayso shirka la sheegay inuu Nairobi  ka dhacayo balse waxay xaqiijinaysaa in ay diyaar u tahay wada hadallo mira dhal ah lala furo Somaliland marka goobta, ajandaha iyo ka qeyb galayaasho lagu heshiiyo.” ayuu yiri agaasimaha madaxtooyadda Soomaaliya, Dr Nuur Diiriye Xirsi.

Muddo dheer waxaa hakad ku jira wadahadallada dowladda federaalka iyo Soomaaliland oo horey meelo kala duwan uga dhacay, waxaana markii u horreysay soo baxday toddobaadkan in shir horudhac ah uu ka dhici doono magaalada Nairobi.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]