4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2019
Xukuumadda Somaliland oo ku amartay shirkadihii laga daawanayey Telefishanadda ay ka saaraan saddex Telefishan

 

Talaado, June, 25, 2019 (HOL) – Xukuumada Somaliland ayaa amartay in shirkadaha kireeya Chanalladda ay ka saaraan daawashadda labadda telefishan ee Eryal tv iyo Horyaal oo xayiraad lagu soo rogay iyo Telefishanka qaranka Soomaaliya.

Labadan Telefishan ee xaruntoodu tahay Hargeysa ayey xukuumaddu ku eedeysay inay ku kaceen falal ka baxsan anshaxa saxaafadda, balse Telefishanka dawladda Soomaaliya leedahay lama sheegin sababta receivarada looga saarayo.

“ Waxaa aanu idinku wargalinaynaa in aad ka saartaan Receive-radiina inta ay xayiraaddu saaran tahay labada telefishan ee kala ah Horyaal iyo Eryal tv, maadaama ay ku kaceen falal ka baxsan anshaxa saxaafadda, waxa kale oo aan idin farayaa in aad ka saartaan telefishanka ay leedahay dawlada Soomaaliya ee SNTV.”ayaa lagu yidhi qoraal uu ku saxeexan yahay wasiirka warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye.

Labadan Telefishanka ee Eryal iyo Horyaal ayaa dacwadoodda loo gudbiyey xeer ilaalinta Somaliland si ay dacwad ugu soo oogaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.