4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2019
Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay degmada Cadaado

 

Talaado, June, 25, 2019 (HOL) – Madaxweynaha dowlada dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dib ugu laabtay degmada Cadaado kaddib khilaaf soo kala dhaxlagay isaga iyo maamulkii gobollada dhexe ee Ahlu Sunna oo markii hore ay ku midoobeen Galmudug.

Xaaf ayaa xalay gudaha u galay degmada Cadaado kaddib markii isaga iyo gaadiid dagaal oo uu watay ay ka soo dhaqaaqeen dhinaca deegaanka Godinlabe oo labadii cisho ee la soo dhaafay ay ku sugnaayeen.

In madaxweyne Xaaf uu dib ugu laabto degmada Cadaado waxaa ka shaqeeyay oo qeyb ka ahaa xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka federaalka oo ka soo jeeda degmada, kuwaa oo xalay kulamo waqti badan qaatay la yeeshay madaxweynaha.

Dhinaca kale degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud waxaa ku sugan ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo shalay galinkii danbe ee gaaray halkaa, waxaana uu kulamo la leeyahay mas’uuliyiinta sar sare ee maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.

Shirarkan ka kala socday degmooyinka Dhuusa-Mareeb iyo Cadaado ayaa u muuqda kuwo sii murjinaya xaalada maamulka Galmudug oo hadda u muuqda mid sii kala furfuranaya, iyadoo dowladdu ku adkeysaneyso in doorashada maamulkaasi la qabto 4ta bisha July ee nagu soo foolka leh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]