4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2019
Madaxweyne Farmaajo: Waxaan rabnaa dowlad dhexe oo xoog leh

Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inay ka go’antahay sidii lagu gaari lahaa dowlad dhexe oo awood leh, isagoo marka sheegay taasi inay tahay federaalka saxda ah.

Madaxweyne Farmaajo, oo ka hadlayay munaasabad ay ku qalin jebiyeen Arday ka baxday jaamacadda umadda wuxuu sheegay in khilaafka taagan uu yahay dood socota oo la xiriira nooca federaal ee dalku ku shaqeynayo.

“Annagu waxaan niraahnaa federaalka ah saxda ah annagaa ah, maxaa yeelay waxaan rabnaa dowlad dhexe oo xoog leh” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo inta ku daray “Waxaan rabnaa dowlad-dhexe oo leh ciidan dalka difaaci kara, dowlad-dhexe oo arrimo dibedeed oo adag leh, waxaan rabnaa dowlad-dhexe oo socdaalka iyo xuduudaha ilaalisa. Waxaan rabnaa dowlad ciidan adag leh oo dhaqaaleheeda iyadu maamusha, dowladda dhexe ee aan rabno waa noocaas” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wixii ka soo hara hannaanka federaalka ee noocaas uu yahay Federaal fashillan (Lose Federalism), isla markaana aysan taasi dooneyn sida uu hadalka u dhigay.

“Anigana waxaan u arkaa in aan federaalka taageersannahay, Wixii ka soo horjeeda taas waa federaal-diid” ayuu yiri isagoo inta raaciyay dowlad gobolleedyadu ay leeyihiin shaqo waajib ah oo ah in ay adeegyada bixiyaan.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa u jeediyay dhallinyarada qalin-jebinaysay iyo kuwa kale ee Soomaaliyeedba in ay doodda arrintaas ku aadan qayb ka noqdaan oo ay saxaan dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedyada hadba kii ku khaldan doodda socota.

“Dowlad-gobolleedyada qaarkood ay nagu dacaayadeeyaan dowladda dhexe oo (Centralist) ah, waa dowlad awoodda rabta in ay qaadato.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marna qarsan damaciisa ah in la helo dowlad dhexe oo awood leh, taasoo horay dad badan oo siyaasiyiin u badnaa ay su’aalo ka keeneen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]