4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2019
Ra’iisul wasaare Khayre oo gaaray Dhuusamareeb


Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galinkii dambe gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-gobolleedka Galmudug.

Madaxa xukuumadda Galmudug, wasiirka arrimaha gudaha federaalka, mas’uuliyiin iyo dadweyne kale ayaa wafdiga ra’iisul wasaare Khayre ku soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo safarkiisa ku wehliyaan wafdi ay kamid yihiin wasiirrada amniga gudaha, Boostada iyo kalluumaysiga ayaa muddada uu joogo Dhuusamareeb, wuxuu la kulmi doona mas’uuliyiinta Galmudug oo uu ugu horreeyo madaxa xukuumadda iyo xubno kale, waxaa kalo la filayaa inuu kullamo la qaato qeybaha bulshada oo odayaasha dhaqanka ay ugu horreeyaan.

Socdaalka uu ra’iisul wasaaraha ku tagey Dhuusamareeb ayaa ku aadday xilli uu halkaa isaga baxay madaxweynaha Galmudug , Axmed Ducaale Xaaf, waxaana taagan xiisad u dhaxeysa hoggaanka sare ee maamulka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]