4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2019
Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan albaabada u xiran yihiin la yeeshay saraakiisha howlgalka AMISOM


Isniin, June, 24, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaaladsa Beledweyne ayaa maanta albaabada u xiran yihiin la yeeshay saraakiisha howlgalka midowga Africa AMISOM.

Kulanka oo sidoo kale uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan ayaa intiisa badan sidii loo afjari lahaa xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo wali ka biyo diidan uu xilka wareejiyo.

Waxaa burburay oo meesha ka baxay waanwaan iyo isku day ay doonayeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada in ay ku qanciyaan guddoomiyihii hore in uu beenneeyo xafiiska, hasse ahaatee waxaa muuqata hadda in ay jiri karto fara-galin ka imaneysa dhinaca saraakiisha AMISOM oo doonaya in ay soo afjaraan xiisada, iyadoo kulanka maanta intiisa badan looga wada hadlay arintaa iyada ah.

Kulanka markii uu soo dhaamaaday waxaa warbaahinta la hadlay guddoomiyaha ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo sheegay in madaxweynaha iyo saraakiisha AMISOM ka wada hadleen sugida amniga guud ahaan gobolka, gaar ahaan magaalada Beledweyne iyo sidii wadashaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen maamulka, saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ,iyadoo dhinaca kale ayuu yiri loo diyaar-garoobayo xuska maalmaha xoriyada oo nagu soo fool leh.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Beledweyne ayaa kulamo kala duwan lahaa odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada, waxaana kulamadaa intooda badan ay salka ku hayeen xalinta khilaafka ka dhashay xil ka qaadista iyo waliba dilkii taliyihii qeybta Booliiska gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]