4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2019
Wafdi Xildhibaanno ah oo gaaray magaalada Cadaado

Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiye ku-xigeenka golaha Aqalka sare , Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari), iyadoo ay halkaa ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo dowlad-gobolleedka Galmudug.

Hadal kooban oo ay siiyeen warbaahinta ayaa waxaa ay ka mahadceliyeen sida loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado, waxaa kalo ay sheegeen ujeeddada safarkooda inay la xiriirto sidii ay ugu kurgali lahaayeen xaaladda gobolka.

Waxaa kalo ay wafdiga xildhibaannada ah ee Cadaado gaaray ay xaqiijiyeen inay kullamo la qaadanayaan mas’uuliyiinta deegaanka iyo qeybaha bulshada, waxaa socdaalkooda uu ku aadday xilli xiisad ay ka taagantahay gobolka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]