3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2019
Kullankii Baarlamaanka oo furmay xilli digniin loo diray xildhibaannada kullamada ka maqan

Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Kullanka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadda ku furmay Kooram dhan 144 Xildhibaan.Ajandaha kulanka ayaa ah cod u qaadidda  hindise sharciyeedka dhismaha guddiyada la dagaallanka musuq maasuqa.

Furitaanka kullanka ayaa dib u dhacay ku dhowaad soddon daqiiqo , iyadoo wal wal uu ka taagnaa inuu kullanka kooram la’aan u baaqdo,waxaana dagniin loo diray xildhibaannada fadhiyada ka maqnaa.

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha shacabka Mahad Cawad, ayaa ka hadlay Xildhibaannada ka maqan lamarsiiyo anshaxa , wuxuu yiri "Xildhibaan ka maqnaada kullamadda Golaha ilaa saddex kulan waxaa lasiinayaa digiin.” -Isagoo inta ku daray  in haddii Xildhibaan ku imaan waayo ilaa toddobo kullan laga qaadi doono tilaabadda labaad oo ah xil gudasho la'aan sidaa darteeda gunadda uu qaado shan meelood laga jari doono.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacab ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal, ayaa u yeeray Xildhibaan Axmed Taaw, oo ka tirsan Guddiga Cadaaladda Golaha shacabka.

Xildhibaan Axmed Taaw, ayaa Golaha Shacab ka hor akhrinayay sharciga dhismaha Guddiyadda la-dagaallanka Musuq maasuqa oo ay horay u meel mariyeen.Sharcigaan ayaa Golaha Shacab waxaa ku soo celiyay Aqalka Sare, oo meelaha qaar ka bad badalay Xildhibaan Axmed Taaw, ayaa sheegay in meelaha qaar laga saxay sharciga.

Ugu dameeyntii waxa uu sheegay in dhammaan qodobbadii wax laga badalay ay ahaayeen kuwa leh hab raacyo sax ah "waxaan codsanayaa in la ansixiyo" ayuu yiri Xildhibaan Axmed Taaw.

Cod u qaadidda sharcigan ayaa dib u dhacday maalintii Sabtida, markii kullanka Baarlamaanka uu u baaqday kooram la’aan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
6/24/2019 2:52 PM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Guddoomiyihii xilka laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo wali ku adkeysanaya xafiiska ayaa shir jaraa’id ku sheegay in markii saddexaad lagu soo weeraray xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

6/24/2019 1:02 PM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inay ka go’antahay sidii lagu gaari lahaa dowlad dhexe oo awood leh, isagoo marka sheegay taasi inay tahay federaalka saxda ah.

6/24/2019 12:32 PM EST
Isniin, June, 24 2019 (HOL)- Wasiirka Xanaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Xasan Maxamed Gaafaadhi, ayaa sheegay in shuruudo cusub ay ku soo kordhisay dawlada Sucuudigu, taas oo ay ku soo kordhiyeen in waraaqda caafimaadka xoolaha laga qaadanayo dawlada Soomaaliya.

6/24/2019 12:22 PM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galinkii dambe gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-gobolleedka Galmudug.

6/24/2019 10:17 AM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow u ambababaxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-gobIsniin, June, 24, 2019

6/24/2019 10:01 AM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo munaasabadda qalinjabinta kala qaybgalay dufcadda 20-aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ardayda ugu hambalyeeyay dadaalka ay muujiyeen iyo guusha ay gaareen.

6/24/2019 9:42 AM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Xildhibaannada Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay sharciga dhismaha guddiga la dagaallanka musuq-maasuqa oo ka mid ah hawlaha horyaallay golaha.

6/24/2019 9:41 AM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaaladsa Beledweyne ayaa maanta albaabada u xiran yihiin la yeeshay saraakiisha howlgalka midowga Africa AMISOM.

6/24/2019 9:35 AM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

6/24/2019 4:45 AM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kullan leh, kaaso aan wali furmin.Muddo ku dhow soddon daqiiqo ayuu dib u dhacay furitaanka kulanka, iyada oo ay jirto wal wal laga qabo inuu kooram la’aan u baaqdo.

6/24/2019 3:40 AM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)– Wafuud ka socota dowladda federaalka ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan deegaannada Galmudug, halkaa oo ay ka taagantahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa hoggaanka sare ee maamulka.

6/24/2019 1:36 AM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay in uu gabi ahaanba meesha ka baxay islamarkaana buray heshiiskii Jabuuti ee Muqdisho lagu saxiixay sanadkii 2017 kaa oo dhaxmaray maamulkii gobollada dhexe ee Ahlu Sunna iyo Galmudug

6/24/2019 1:20 AM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL) – Mohamud Jama oo ah Aqoonyahan Soomaalyeed oo dagan magaalada Columbus Ohio ayaa kulan uu la qaatay jaaliyadda waxa uu ku sheegay in uu u taaganyahay ka mid noqoshada Baarlamanka gobolka isaga oo matali doona xaafada 25 oo ah xaafad ay aad u daganyihiin Soomaalida Columbus Ohio.

6/24/2019 1:13 AM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Qoraal ka soo baxay mar kale xafiiska Wasaarradda Arrimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in doorashada Galmudug ka dhici doonto degmada Dhuusa-Mareeb 4ta bisha July ee nagu soo foolka leh.