4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2019
Kullanka Baarlamaanka oo loo cabsi qabo inuu kooram la’aan u baaqdo

Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kullan leh, kaaso aan wali furmin.Muddo ku dhow soddon daqiiqo ayuu dib u dhacay furitaanka kulanka, iyada oo ay jirto wal wal laga qabo inuu kooram la’aan u baaqdo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed  Mursal ayaa horay u sheegay in kullamadda Golaha ay furmi doonaan kama dambeys 11-ka barqanimo, haddii uu kooramka uusan buuxina uu baaqan doono, sida uu qabo  xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa  maanta cod u qaadaya hindise sharciyeedka dhismaha guddiyada la-dagaallanka musuq maasuqa.

Kullankii Sabtidii lasoo dhaafay ayaa u baaqaday kooram la’aan oo isla sharcigaan loogu codayn lahaa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]