3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2019
Ra'iisul wasaare Khayre oo booqanaya Dhuusamareeb

Isniin, June, 24, 2019 (HOL)– Wafuud ka socota dowladda federaalka ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan deegaannada Galmudug, halkaa oo ay ka taagantahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa hoggaanka sare ee maamulka.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa saacadaha ina soo aaddan inay gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-gobolleedka Galmudug, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Qabanqaabada soo dhoweynta wafdiga ra’iisul wasaare Kheyre ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb iyadoo ammaanka magaalada aad loo adkeeyay,waxaana maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa wasiirka arrimaha gudaha dowladda federalka iyo xubno ka tirsan labada gole.

Booqashada ra’iisul wasaraha ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa iyadoo wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federalka ay iclaamisay in la qabanayo doorashada madaxweynaha Galmudug oo 4ta bisha July ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb.

Docda kale, wafdi kale oo ka socda Baarlamaanka ayaa la filayaa inay isla maanta tagaan magaalada Cadaado, wararka la helayo ayaa sheegaya inay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka uu hoggaaminayo wafdigaa.

Dowladda federaalka ayaa dedaal ku bixinaysa sidii ay dooarsho uga dhici lahayd Galmudug, balse waxaa wali uu khilaaf ka taaganyahay doorashada, sida ay u dhacayso, xilliga ay dhacayso iyo halka ay ka dhacayso.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
6/24/2019 2:52 PM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Guddoomiyihii xilka laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo wali ku adkeysanaya xafiiska ayaa shir jaraa’id ku sheegay in markii saddexaad lagu soo weeraray xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

6/24/2019 1:02 PM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inay ka go’antahay sidii lagu gaari lahaa dowlad dhexe oo awood leh, isagoo marka sheegay taasi inay tahay federaalka saxda ah.

6/24/2019 12:32 PM EST
Isniin, June, 24 2019 (HOL)- Wasiirka Xanaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Xasan Maxamed Gaafaadhi, ayaa sheegay in shuruudo cusub ay ku soo kordhisay dawlada Sucuudigu, taas oo ay ku soo kordhiyeen in waraaqda caafimaadka xoolaha laga qaadanayo dawlada Soomaaliya.

6/24/2019 12:22 PM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galinkii dambe gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-gobolleedka Galmudug.

6/24/2019 10:17 AM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow u ambababaxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-gobIsniin, June, 24, 2019

6/24/2019 10:01 AM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo munaasabadda qalinjabinta kala qaybgalay dufcadda 20-aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ardayda ugu hambalyeeyay dadaalka ay muujiyeen iyo guusha ay gaareen.

6/24/2019 9:42 AM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Xildhibaannada Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay sharciga dhismaha guddiga la dagaallanka musuq-maasuqa oo ka mid ah hawlaha horyaallay golaha.

6/24/2019 9:41 AM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaaladsa Beledweyne ayaa maanta albaabada u xiran yihiin la yeeshay saraakiisha howlgalka midowga Africa AMISOM.

6/24/2019 9:35 AM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

6/24/2019 5:10 AM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Kullanka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadda ku furmay Kooram dhan 144 Xildhibaan.Ajandaha kulanka ayaa ah cod u qaadidda hindise sharciyeedka dhismaha guddiyada la dagaallanka musuq maasuqa.

6/24/2019 4:45 AM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kullan leh, kaaso aan wali furmin.Muddo ku dhow soddon daqiiqo ayuu dib u dhacay furitaanka kulanka, iyada oo ay jirto wal wal laga qabo inuu kooram la’aan u baaqdo.

6/24/2019 1:36 AM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay in uu gabi ahaanba meesha ka baxay islamarkaana buray heshiiskii Jabuuti ee Muqdisho lagu saxiixay sanadkii 2017 kaa oo dhaxmaray maamulkii gobollada dhexe ee Ahlu Sunna iyo Galmudug

6/24/2019 1:20 AM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL) – Mohamud Jama oo ah Aqoonyahan Soomaalyeed oo dagan magaalada Columbus Ohio ayaa kulan uu la qaatay jaaliyadda waxa uu ku sheegay in uu u taaganyahay ka mid noqoshada Baarlamanka gobolka isaga oo matali doona xaafada 25 oo ah xaafad ay aad u daganyihiin Soomaalida Columbus Ohio.

6/24/2019 1:13 AM EST
Isniin, June, 24, 2019 (HOL)–Qoraal ka soo baxay mar kale xafiiska Wasaarradda Arrimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in doorashada Galmudug ka dhici doonto degmada Dhuusa-Mareeb 4ta bisha July ee nagu soo foolka leh.