4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2019
Mohamud Jama oo u ordaya in uu noqda xildhibaanka xafada 25 ee Columbus Ohio


Isniin, June, 24, 2019 (HOL) – Mohamud Jama oo ah Aqoonyahan Soomaalyeed oo dagan magaalada Columbus Ohio ayaa kulan uu la qaatay jaaliyadda waxa uu ku sheegay in uu u taaganyahay ka mid noqoshada Baarlamanka gobolka isaga oo matali doona xaafada 25 oo ah xaafad ay aad u daganyihiin Soomaalida Columbus Ohio.

Waxa uu Jaaliyadda ka codsaday in ay la shaqeeyaan isla markaana u hiiliyaan mustaqbalka ubadkooda si loogu furo wadiiqooyin u sahlaya sidii mustaqbalka ay uga qeyb gali lahayeen siyaasada gobolka ay ku noolyihiin.

Waxa uu soo bandhigay baahida Jaaliyadda iyo sida aan looga warhayn isaga oo u sababeeyay in aysan qof ku matala dowlada lahayn taasina ay keentay in la iska ilaabo.

Inta baddan dadkii ka hadlay kulankan ayaa u riyaaqay isku dayga Mohamud Jama iyaga oo balan qaaday in ay la shaqeyn doonaan isna garab taagi doonaan cod iyo dhaqaalo labadaba.

Ayaan daro weyn ayay ku tilmaameen in isku dayo dhowr jeer lagu doonayay in wax looga qabto caruurta Soomaaliyeed ee isku dishay gudaha Columbus aan laga hoos qaadin cabashadooda iyada oo dhanka kale codkooda sanad walba loo soo doonto.

Mohamud waxa uu in mudaa la shaqeeynayay dowladda gobolkan waxa uuna leeyahay qibrad ku filan isaga oo galgal baddan u leh xisbiga Democratic party, waa Aqoonyahan waxbarashada ku dhamaystay gobolkan isla markaana ah aabe dhalay 9 Caruur ah xushmad baddana ay u hayaan Soomaalida Columbus.

Waa markii 2aad oo ay Soomaalidu samayso isku day ku aadan sidi ay xubno fir fircoon ugu yeelan lahayeen Baarlamanka gobolka iyada oo markii Hore uu Ismail Mohamed soo gaaray meel rajo fiican galisay Soomaalida.

Lama saadaalin karo waxa is badali doona waxaase jirta Rajo ay qabaan in baddan oo ka mid ah dadka la socda siyaasada gobolkan iyaga oo ku taliyay in cod iyo dhaqaale loo huro Mohamud si loo helo Soomaali ka muuqda Miiska lagu gaaro go'aamada gobolkan.

Deeqo Shire (SONNA)