4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 16, 2019
Puntland oo shaqaaleysiinaysa 10 kun oo dhallinyaro ah

Axad. June, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu socdo qorshe lagu shaqaaleysiinayo dhallinyaro gaaraysa 10 kun.

Deni, ayaa hadalkan ku soo daray khudbad uu shalay ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 44 aad ee Baarlamaanka Puntland.

Dhallinyarada uu madaxweynaha sheegay in la shaqaaleysiinayo ayaa u badan kuwa  ka soo baxday Jaamacadaha,waxaa ay   inta badan ka howlgali doonaan wasaarada deegaanka iyo isbadalka cimilada Puntland, si looga hortago xaalufka deegaanka iyo abaaraha soo noqnoqda iyadoo deegaannada Puntland laga hirgalinayo biyo xireeno si looga baaqsado abaaraha.

Wasiirka deegaanka Puntland, Ismaaciil Diiriye Gamadiid oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa dhankiisa sheegay dhallinyarada wasaaradda shaqo abuurka ay u sameynayso in loo qeybin doono deegaannada Puntland.

“Barnaamijka uu madaxweynaha sheegay waa sax, waana labo qeyb oo lagu doonayo gobollada in loo qeybiyo dhallinyarada wax baratay si arrimaha deegaanka ay uga howlgalaan.” ayuu yiri wasiir Gamadiid.

Dhallinyarada ayaa ah tirada ugu badan marka laga hadlayo bulshada Soomaaliyeed, balse waxaa la sheegay inaysan helin shaqooyin iyo fursado ku filan ,taaso mararka qaar dhalisa inay dalal kale u raadsadaan shaqooyin halkaa oo ay dhibaatooyin kala kulmaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online

[email protected]