4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 16, 2019
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo war ka soo saartay cudurka Ebola

Axad. June, 16, 2019 (HOL)-Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrimo ku saabsan cudurka Ebola ee dhowaan soo gaaray dalka Uganda, iyadoo arrintaa ay ka dhalatay dareen laga qabay cudurka inuu meelo kale gaari karo.

War-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda cudurka, iyadoo lagu caddeeyay in heegan la galiyay howlwadeeno loo tababbaray falcelinta cudurada dilaaca.

Sidoo kale, wasaaradda caafimaadka waxaa ay xaqiijisay xilligan la joogo inuusan jirin wal wal ku aaddan cudurka Ebola.

Toddobaadkaan ayaa fayraska cudurka Ebola waxa uu ka soo gudbay dalka Jamhuuriyadda Dumuquraadiga ah ee Congo isagoo u tallaabay dalka Uganda.

Hoos ka akhri warmurtiyeedka ka soo baxay wasaaradda caafimaadka DFS;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online

[email protected]