4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 16, 2019
Wasaarradda Waxbarashada oo amartay in la hergaliyo Manhajka dalka

 

Axad, June, 16, 2019 (HOL)-Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay Amar ku bixisay in la hirgelinayo Manhajka Cusub ee  Qaranka ee Fasalada 1aad ilaa 8aad.

War ka soo baxay Wasaaradda Waxbarshada ayaa lagu amray , dhamaan Howlwadagta Waxbarashada, Daladaha Waxbarashada iyo Iskuulada gaarka loo leeyahay dhaqangelinta Manhanka Cusub.

Sidoo kale Wasaaradda waxaa ay sheegtay in laga bilaabo Bisha Agoosto ee Sanmadkaan la hirgelin doono Manhajka Cusub,isla markaana cidii ka hortimaada tallaabo laga qaadi doono.

Hoos ka Akhriso Warka ka soo baxay Wasaarradda :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]