4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 15, 2019
Madaxweynaha Hirshabeelle oo cambaareeyay falkii lagu laayay dadka rayid ah magaalada Gaalkacyo

 

Sabti, June, 15, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dilka magaalada Gaalkacyo lagu xasuuqay dad  rayid ah oo  ka soo jeeda    Koonfurta Soomaaliya, isagoo cambaareeyay falkaasi kuna tilmaamay mid argagax ah oo laga naxo.

“Anigoo ku hadlaya afka Golayaasha Dowladda Hirshabelle Waxaan cambaareynayaa falkan lagu laayay dadkaasi masaakiinta ah, Dadka Soomaaliyeed waa walaal, xidid, iyo ehel intuba meel kasta oo ay joogaan, waxaana uga tacsiyeynayaa ehelada ay ka geeriyoodeen dadkaasi, waxaana u rajeynayaa in eebe uu ka waraabiyo Janatul Fardowsa” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay falkaasi lagu dilay 13 ruux oo dad  xoogsata ahaa, waxaana uu ugu baaqay Maamulka Galmudug in baaritaan dhab ah ay ku sameeyso falkaasi islamarkaana dadkii ka dambeeyay, cadaaladda la marsiiyo.

Dilka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa aad looga xumaaday, waxaana dadka la dilay  ka soo jeedaan  afar ka mid ah ay ka soo jeedaan Hirshabelle halka sagaalka kalana ay ka soo jeedaan Koofurgalbeed Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]