4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 14, 2019
Jidadka magaalada Beledweyne oo leysku furay iyo is afgarad laga gaaray xiisaddii taagneyd

 

Jimco, June, 14, 2019 (HOL)- Kaddib kulamo is daba-joog ah oo ilaa xalay ka soconayay magaalada Beledweyne ayaa ugu danbeyntii lagu guuleystay in leysu furo guud ahaanba magaalada kaddib markii la soo afjaray xiisadii ka dhalatay dilkii taliyihii qeybta Booliiska gobolka Hiiraan Gaanshaale Dhexe Maxamed Macoow Xalane.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Beledweyne oo kulamo kala duwan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka magaalada gaar ahaan ehelada marxuumka dhintay ayaa ugu danbeyntii ku qanciyay in xiisada la dajiyo lagana wada shaqeeyo nabad-galyo, isaga oo u balanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan caadallada loo waafajin doonno kiiska dhimashada taliyaha iyo cid kasta oo ku lug yeelata.

Dhinaca kale, Warbixin hor dhac ah oo ay soo saareen guddigi loo saaray arintan ayaa lagu sheegay in kiiska dhimashada taliye Macoow loo xiray dad la tuhusan yahay in ay ku lug lahaayeen walina baaristu socto.

Habeennimadii xalay ayaa la arkayay dad weyne ay horkacayaan qaar ka mid ah waxgaradka magaalada uu furaya dhamaanba dariiqyadii ku xirmay xiisadii maalmihii ugu danbeeyay ka jirtay magaalada islamarkaana qaadaya dhagax lagu gooyay Is-goysyada muhiimka ah ee magaalada.

Maanta oo Jimco ah ayaa lagu wadaa in la aaso meydka taliyihiii Booliiska gobolka Hiiraan Maxamed Macoow oo ku geeryooday Tallaadii Toddobaadkan Iska horimaad ka dhacay deegaanka Kala Beyr ee dulleedka magaalada Beledweyne. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]