Wasaarada Shaqo galinta Somaliland oo sheegtay in ka badan kun iyo shan boqol oo Ajanabi ahi ku sugan yihiin dalka
Khamiis, June, 13, 2019 (HOL) - Shirkii golaha
wasiirada Somaliland ayaa maanta warbixino lagaga dhagaystay wasiirka shaqo
galinta Iyo Qoyska iyo wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo
Tiknoolajiyadda, isla markaana golaha wasiirada usoo gudbiyey siyaasadihii lagu
maamulayey wasaaradoodda.
Shirkan waxa shirgudoominayey madaxweyne Biixi,
waxaana ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici
sida uu war-saxaafadeed ku sheegay afhayeenka madaxtooyada Maxamuud Warsamme.
wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada
iyo qoyska oo ugu horayn goluhu warbiximo ka dhegeysteen ayaa ku dheeraatay
ahmiyada shaqada wasaaradda iyo waajibaadka ka saaran adeega aas-aasiga ee
bulshada iyo ilaalinta xuquuqda carruurta, iyadoo wasaaradu sannadkii 2018,
xuduudaha dalka ugu samaysay adeeg carruur isugu jira muwaadiniin iyo ajaanib,
carruurtaas oo ah carruurta socdaasha (Child on the move) tiradooduna
gaadhaysay 1,798 (kun todoba boqol iyo siddeetan carruura) isla markaana tirada
muwaadiniinta oo dhamayd 1,031 ( kun iyo koob iyo soddon carruura) lagu celiyey
guryahoodi, halka 767 (todoba boqol iyo todoba lixdan carruura) oo ajaanib ahna
lagu celiyey dalalkii ay u dhasheen oo ahaa Itoobiya, Jabuuti iyo Kiiniya.
Sidoo kale wasiirku waxa ay sheegtay in ay
diwaangeliyeen ajaanibka ku sugan gudaha dalka kuwaas oo tiradoodu dhantahay
1,546 (Kun, shan boqol iyo lix iyo afartan) ajaaniba sannadkii 2018-kii.
Wasaaraduna ay siisay 212 (laba boqol, laba iyo toban) ka mida ajaanibkaasi
ruqsada ogolaanshaha shaqo, ka dib markii ay wasaaraddu qiimaysay in shaqada ay
qabanayaan aannu xirfadeeda qaban karin qof muwaadin ahi, waxa kale oo ay
wasaaraddu u kur-gelid iyo sixitaan ku samaysay imtixaanaadka ay qaadaan
hay’addaha ku sugan gudaha dalka, kuwa maxaliga ah iyo kuwa caalamigaa, iyadoo
wasaaraddu curisay xeerar dhawra oo qaarkood gebegebo ku dhaw yihiin, dar-dar
gelin iyo dib u habayna ay ku samaysay guud ahaan xafiisyada kala duwan ee
wasaaradda, waxaanay xustay in wasaaraddu ka jawaabto baahiyaadka uga yimaada
bulshada.
Waxaanay wasiirku golaha horkeentay
qabyo-qoraalka xeerka xuquuqda carruurta oo golaha loo qaybiyey si
kal-fadhiyada danbe loogu meel mariyo xeerkaasi.
Dhinaca kale wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta
& Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa golaha u soo bandhigay siyaasadda
maamulka ICT-ga dawladda Somaliland oo ay ka wasaarad ahaan markii u horaysay
samayso siyaasad loogu talo-galay in lagu hago ICT-ga dawladda.
Isagoo wasiirku sharaxay ujeedooyinka laga
leeyahay diyaarinta siyaasaddani ay tahay, sidii loo heli lahaa tiknoolajiyad
tayadeedu sarayso, ilaalinta bedqabka xogta dawladda, ilaalinta agabka lagu
kaydiyo xogta ICT-ga dawladda, xoojinta iyo kor u qaadidda isku xidhnaanta
dawladda, samaynta cilmi baadhisyo lagu horumarinayo ICT-ga dawladda,
xakamaynta kharashka ku baxaya ICT-ga dawladda iyo kobcinta aqoonta, xirfadaha
shaqaalaha ICT-ga dawladda.
Ugu danbayntiina golaha wasiiradu ansixiyeen
siyaasadda maamulka ICT-ga Dawladda.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.