4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2019
Wasaarada Shaqo galinta Somaliland oo sheegtay in ka badan kun iyo shan boqol oo Ajanabi ahi ku sugan yihiin dalka

 

Khamiis, June, 13, 2019 (HOL) - Shirkii golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta warbixino lagaga dhagaystay wasiirka shaqo galinta Iyo Qoyska iyo wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, isla markaana golaha wasiirada usoo gudbiyey siyaasadihii lagu maamulayey wasaaradoodda.

Shirkan waxa shirgudoominayey madaxweyne Biixi, waxaana ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici sida uu war-saxaafadeed ku sheegay afhayeenka madaxtooyada Maxamuud Warsamme.

wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska oo ugu horayn goluhu warbiximo ka dhegeysteen ayaa ku dheeraatay ahmiyada shaqada wasaaradda iyo waajibaadka ka saaran adeega aas-aasiga ee bulshada iyo ilaalinta xuquuqda carruurta, iyadoo wasaaradu sannadkii 2018, xuduudaha dalka ugu samaysay adeeg carruur isugu jira muwaadiniin iyo ajaanib, carruurtaas oo ah carruurta socdaasha (Child on the move) tiradooduna gaadhaysay 1,798 (kun todoba boqol iyo siddeetan carruura) isla markaana tirada muwaadiniinta oo dhamayd 1,031 ( kun iyo koob iyo soddon carruura) lagu celiyey guryahoodi, halka 767 (todoba boqol iyo todoba lixdan carruura) oo ajaanib ahna lagu celiyey dalalkii ay u dhasheen oo ahaa Itoobiya, Jabuuti iyo Kiiniya.

Sidoo kale wasiirku waxa ay sheegtay in ay diwaangeliyeen ajaanibka ku sugan gudaha dalka kuwaas oo tiradoodu dhantahay 1,546 (Kun, shan boqol iyo lix iyo afartan) ajaaniba sannadkii 2018-kii. Wasaaraduna ay siisay 212 (laba boqol, laba iyo toban) ka mida ajaanibkaasi ruqsada ogolaanshaha shaqo, ka dib markii ay wasaaraddu qiimaysay in shaqada ay qabanayaan aannu xirfadeeda qaban karin qof muwaadin ahi, waxa kale oo ay wasaaraddu u kur-gelid iyo sixitaan ku samaysay imtixaanaadka ay qaadaan hay’addaha ku sugan gudaha dalka, kuwa maxaliga ah iyo kuwa caalamigaa, iyadoo wasaaraddu curisay xeerar dhawra oo qaarkood gebegebo ku dhaw yihiin, dar-dar gelin iyo dib u habayna ay ku samaysay guud ahaan xafiisyada kala duwan ee wasaaradda, waxaanay xustay in wasaaraddu ka jawaabto baahiyaadka uga yimaada bulshada.

Waxaanay wasiirku golaha horkeentay qabyo-qoraalka xeerka xuquuqda carruurta oo golaha loo qaybiyey si kal-fadhiyada danbe loogu meel mariyo xeerkaasi.

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa golaha u soo bandhigay siyaasadda maamulka ICT-ga dawladda Somaliland oo ay ka wasaarad ahaan markii u horaysay samayso siyaasad loogu talo-galay in lagu hago ICT-ga dawladda.

Isagoo wasiirku sharaxay ujeedooyinka laga leeyahay diyaarinta siyaasaddani ay tahay, sidii loo heli lahaa tiknoolajiyad tayadeedu sarayso, ilaalinta bedqabka xogta dawladda, ilaalinta agabka lagu kaydiyo xogta ICT-ga dawladda, xoojinta iyo kor u qaadidda isku xidhnaanta dawladda, samaynta cilmi baadhisyo lagu horumarinayo ICT-ga dawladda, xakamaynta kharashka ku baxaya ICT-ga dawladda iyo kobcinta aqoonta, xirfadaha shaqaalaha ICT-ga dawladda.

Ugu danbayntiina golaha wasiiradu ansixiyeen siyaasadda maamulka ICT-ga Dawladda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.