4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 9 , 2019
Tartan Quraanka Kariimka ah oo Minnesota lagu soo gabgabeeyey,

Talaado July 9 2019 (HOL) Tartankii Quraanka ee Imaam Shatibi ee Minnesota ka dhaca sanadkiiba mar ayaa shalay lagu soo gabagabeeyey Kenaddy High School ee magaaladda Blooomington Minnesota , waxaana sanadkaan oo ahaa kii ugu balarnaa ka soo qaybgalay ilaa 420 arday oo ku kala tartamaayey qaybo kala duwan oo kala ahaa 1Jus,5 Jus,10,Jus, 15,Jus 30,Jus iyo quruxda codka.

Ardaydaan waxay kala yimaden 14 Gobol oo Maraykanaka ah iyo dalka Canada.

Taratankaas oo socday mudo todabaad ah ayaa ardayda iyo macalamiintoodu u soo diyaar garoobayeen udo sanado ah siday ii sheegeen .


Tartankii sanadkaan dhacay ee Imaam Shatibi waxuu ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay goobta lagu qabtay ayaa ahayd mid cid walba ay si aada u jeclaystay quruxdeeda , waxayna dhamaan ka soo qaybgalaayasha ay isku raceen in ardayda ay tani jeclaysiinayso inay ku dadalaan barashada qur’aanka si ay kaalimo hore uga galaan tartankaan.


Sanadkaan waxaa ku guulaystay kaalimaha hore 33 arday kuwaas oo qaarkood la gaynayo cumrada iyaga & macalimiintooda,sanadkaan waxaa lakala saaray tartanka 30 Jus ee wiilasha iyo gabdhaha kuwaas oo awal isku qayb ahaa C/qaalaq Jaamac Ismaciil oo gudiga taratanaka ka mid ah ayaa HOL u sheegay sababta loo kala saaray ay ugu wayntahay dhiirigalin gabdhaha loo yeelayo inay dhexdooda tartamaan si tiradooda kor loogu qaado taas oo ay awal koobnaan jireen,

Waxaa ku guulaytay tartankii 30 Jus ee quraanka wiilasha Maxamed Macruf oo Toronto ka yimi iyo Raxmo Qaasim oo Minnesota ahayd xaga gabdhaha waxayna abaalmarin u heleen min 10.000 oo Dollar iyo in lageeyo Cumrada,

Qarashka ku baxa tartankaan waxaa ku deeqa ganacsato Muslimiin ah iyo shaqsiyaad , waxayna tani tusaysaa awooda ay umaddu leedahay haday isku kalsoonaadaan helaana hogaan sax ah.


Siyad Said Salah

Hiiraan Online 

[email protected]

MPLS MN