4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2019
Guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta horumarinta dhaqaalaha oo ku shiray Muqdisho

Talaado, July, 09, 2019 (HOL)-  Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya , Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shir ay yeesheen guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta horumarinta dhaqaalaha.

Shirka oo ay ka qeyb galeen dhammaan wasaarahaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa looga hadlay horumarinta dhaqaalaha dalka, waxaana warbixinno looga dhagaystay wasaaradaha maaliyadda iyo ganacsiga.

Wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shirka kusoo bandhigtay heerka uu soo gaaray qorshaha daynta looga cafinayo dalka (SMP4).

Warbixin la xariirta iskaashiga ganacsi ee Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale laga dhagaystay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Intii uu shirku socday ayaa sidoo kale warbixin looga dhagaystay guddi loo xil saaray heshiiska cusub ee dowladdu la gashay shirkadda Al-bayrak ee maamusha dekadda magaalada Muqdisho, iyada oo ugu dambeyn lagu soo bandhigay warbixin guud oo looga hadlay tubta horumarinta dhaqaalaha iyo sida ay u socdaan halbeegyada guud ee sannadkaan qorshuhu ahaa in tubtu ay fuliso.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa dhammaan wasaaradaha ku jira tubta faray in ay dardar geliyaan fulinta qorshayaasha u degsanaa in ay sannadkaan ku qabtaan ee ay la saxiixdeen Ra’iisul wasaaraha billaawgii sannadkaan 2019.

"Turbta horumarinta dhaqaalaha ayaa qayb ka ah afarta tub ee lagu saleeyay shaqooyinka qaranka si looga mira dhaliyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed." ayaa lagu yiri qoraal looga hadlay kullanka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]