4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2019
Dowladda Soomaaliya: Ma jiro wax ka iska beddelay qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda ICJ

Talaado, July, 09, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay hadal heynta ku aaddan inay wada-hadal ka galeyso kiiska horyaalla Maxkamadda adduunka ee ICJ.

Kiiska oo la xiriira la hadanshiyaha dowladda Kenya ay sheeganayso qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya, balse baraha bulshada iyo warbaahinta qaar ayaa lagu baahiyay in wada-hadal ay arrintaa ka geli doonto dowladda Soomaaliya.

"Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ." ayuu yiri agaasimaha xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Abdinuur Maxamed Axmed.

"Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha wararkan been abuurka ah." ayuu ku daray.

Kiiskan ayaa loo asteeyay in la dhageeysto inta u dhaxeeyso 9-ka September iyo 13-ka ee sannadkan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]