4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2019
Ciidammada Xudur oo la diiwaangelinayo

Talaado, July, 09, 2019 (HOL)- Wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta kormeer ku tagay xero ciidan oo ku taalla magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Xerada ay wafdiga booqdeen ayaa saraakiisha ku sugan waxaa ay kala hadleen sidii  ay ugu biir lahaayeen ciidammada dowlada federalka loona tirakoobi lahaa.

Madaxweynaha Koofurgalbeed,Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, oo booqashada ku waheliyay guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in xeradaas laga billaabayo diiwaangelinta Ciidammada.

Cabdicasiis Lafta Gareen, ayaa ballanqaaday in diiwaan gelinta iyo tirakoobkooda kaddib ay si joogta ah u heli doonaan xuquuqdooda islamarkaana la daryeeli doono.

"Waxaan idinkaga Mahad celinayaa sidaad ugu dhabar adeegaysaan difaaca dawladiin koonfur-galbeed maadaama xilliyo adag aad soo marteen waliba aad intooda badan degmooyinka koonfur-galbeed aad xureyseen runtii taas ayaa ah waxaad maanta guul Ku gaarteen, 'ayuu yiri gudoomiyaha oo sii dhiiri galinayay ciidammada." ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka oo hadal u jeediyay ciidammada.

Guddoomiye Mursal iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa shalay tagay xarunta gobolka Bakool ee Xuddur,waxaana halkaas ay ka dhagax dhigeen Garoon diyaaradeed iyo xarumo kale.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]