4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2019
Dowladda Afghanistan iyo ururka Taliban oo heshiis gaaray

Talaado, July, 09, 2019 (HOL)- Dowladda Afghanistan iyo ururka hubaysan ee  Taliban ayaa ku heshiiyay geedi socod nabadeed, iyadoo qodobbada heshiiska ay ku jiraan in la soo afjaro dhibaatada loo geysanayo dadka rayidka.

Wada-hadallada oo maalmo socday ayaa sidoo kale lagu heshiiyay in la ilaaliyo xuquuqda dumarka, iyadoo loo marayo hannaan waafaqsan sharciga Islaamka.

Heshiiska ayaa la sheegay inuu soo dedejin karo in la soo afjaro dagaalka sokeeye ee 18-ka sano socday, balse wuxuu ku soo aaddaya xilli Maraykanka iyo Taliban ay wadaan wadahadal gooni ah oo lagu soo afjarayo dagaalka Afghanistan.

Maalin kaddib ayaa la filayaa inuu billawdo wareeggii toddobaad ee wadahadallada u dhaxeeya Maraykanka iyo Taliban. Waxaa la filayaa in labada dhinac ay ku heshiiyaan in ciidammada Maraykanka ay Afghanistan ka baxaan marka la siiyo ballanqaad ah in dalkaasi aan loo adeegsan doonin inuu xarun u noqda argegixisada.

Maraykanka ayaa xukunka ka tuuray ururka Taliban sanadkii 2001-da.Talibanku waxay diideen inay wadahadal toos ah la galaan dowladda Afghanistan, ilaa inta Maraykanka uu ku dhawaaqayo jadwalka uu uga baxayo dalkaas.

Shirkii ugu dambeeyay ee Qatar ee ay ka qeyb-galeen mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda ayaa loo arkaa inay waddada u xaari karto wadahadallo rasmi ah oo mustaqbalka dhex-maro labada dhinac.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]