4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2019
Ra'iisul wasaare Khayre oo kullamo ka wada magaalada Gaalkacyo

Talaado, July, 09, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,Xasan Cali Khayre oo shalay  gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah dhallinyarada ku nool magaalada.

Kulanka ayaa looga hadlay dowrka dhalliyaradu ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta, dib-u-dhiska Galmudug iyo guud ahaan dalka, midaynta awoodda dhallinyarada iyo u diyaarinta dhallinyarada hoggaaminta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa u sheegay dhallinyarada in magaalo iyo deegaan kasta oo uu tago uu kulanka ugu horreeya la yeelanayay dhallinyada oo muhiimad gaar ah uu siisanay isaga oo sababtu ku sheegay in dhallinyaradu yihiin hoggaanka mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, lagama maarmaanna ay tahay in ay sii ogaadaan fursadaha iyo caqabadaha, fikirkoodana ay ku biiriyaan hannaanka horumarinta qaranka.

"Dhallinyarada uu Gaalkacyo kula kulmay ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku boorriyay in ay si abaabulaan, muujiyaan cududdooda si ay iyagu u doortaan hoggaankooda mustaqbalka, waxa uuna kula dardaarmay in is abaabulka ka billaabaan Gaalkacyo kadibna ay ku xirmaan dhalliyarada deegaannada ku xeeran si ugu dambeyn loo helo cod dhallinyaro Soomaaliyeed oo midaysan, kana madax bannaan kooxeysi iyo qabiileysi, looguna wada istaago danta guud." ayaa lagu yiri qoraal kulanka looga hadlay.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo dhallinyarada Gaalkacyo ayaa qayb ka ahaa kulamo xariir ah oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu deegaannada Galmudug kula yeelanayay qaybaha kala duwan ee bulshada si ay taladooda ugu daraan qorshaha dhimaha Galmudug dhammaystiran, loo dhanyahay, kana shaqeysa danaha reer Galmudug.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]