3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2019
Dareeska Milateriga oo laga mamnuucay caasimadda Muqdisho

Talaado, July, 09, 2019 (HOL) -  Guddiga amniga ee gobolka Banaadir ayaa ka mamnuucay magaalada Muqdisho askarta ku labisan dareeska milateriga,iyadoo kullan ay yeesheen guddiga ay ka qeybgaleen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Eng Cabdiraxmaan Cumar (Yariisow) iyo Xubnaha Guddiga Amniga Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho Eng Yariisow oo kullanka guddiga amniga ka warbixiyay ayaa  mas’uuliyiinta dowladda  ka dalbaday inay joojiyaan ilaaladooda oo mararka qaar lagu arko gudaha magalada.

Waxaa kalo uu digniin u diray milkiilayaasha gaadiidka sida bajaajta iyo gaadiiska kale,isaga oo sheegay inay gaadiidkooda diiwaangeliyaan,waxaa uu inta ku daray in dadka iska iibiya gaadiidkooda u diiwaangashan dhibaatadii lagu geysta ay mas’uuliydooda qaadi doonaan.

Shirka guddiga amniga ee gobolka Banaadir ayaa ku soo aadday xilli ay falal amniga wax u dhimaya ay ka dhaceen magaalada Muqdisho maalintii shalay, waxaana ciidammada amniga ay ka hortageen gaari qarax laga soo buuxiyay iyo koox hubeysan oo weerar ka geystay bar kontorool.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
7/9/2019 1:58 PM EST
Tartankii Quraanka ee Imaam Shatibi ee Minnesota ka dhaca sanadkiiba mar ayaa shalay lagu soo gabagabeeyey Kenaddy High School ee magaaladda Blooomington Minnesota , waxaana sanadkaan oo ahaa kii ugu balarnaa ka soo qaybgalay ilaa 420 arday oo ku kala tartamaayey

7/9/2019 1:20 PM EST
Talaado, July, 09, 2019 (HOL)-Xaalada degaano labadii maalmood ee la soo dhaafay laba beelood ku dhexmarayey ayaa istaagey kadib markii ciidamo hawsha wax ka qabtaya ay yimaadeen.

7/9/2019 11:29 AM EST
Talaado, July, 09, 2019 (HO)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada kula kulmay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

7/9/2019 10:41 AM EST
Talaado, July, 09, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya , Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shir ay yeesheen guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta horumarinta dhaqaalaha.

7/9/2019 10:36 AM EST
Talaado, Luulyo, 9, 2019 (HOL)- Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ku dhaliilay hogaamin xukumo iyo in aanay wali fullin balamihii ay qaaday.

7/9/2019 10:31 AM EST
Talaado, July, 09, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay hadal heynta ku aaddan inay wada-hadal ka galeyso kiiska horyaalla Maxkamadda adduunka ee ICJ.

7/9/2019 10:22 AM EST
Talaado, July, 09, 2019 (HOL)- Wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta kormeer ku tagay xero ciidan oo ku taalla magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

7/9/2019 9:38 AM EST
Talaado, July, 09, 2019 (HOL)- Dowladda Afghanistan iyo ururka hubaysan ee Taliban ayaa ku heshiiyay geedi socod nabadeed, iyadoo qodobbada heshiiska ay ku jiraan in la soo afjaro dhibaatada loo geysanayo dadka rayidka.

7/9/2019 9:29 AM EST
Talaado, July, 09, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,Xasan Cali Khayre oo shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah dhallinyarada ku nool magaalada.

7/9/2019 8:17 AM EST
Talaado, July, 09, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa maanta soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

7/9/2019 4:29 AM EST
Talaado, July, 09, 2019 (HOL) - Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo booqashadii u horreysay shalay ku tagay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa baaq u diray Puntland iyo Soomaaliland.

7/9/2019 12:59 AM EST
Talaado, July, 09, 2019 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in saddex ruux oo shacab ah ku dhinteen qarax lala eegtay gaari ay saarnaayeen deegaan hoostaga degmada maalintii shalay.

7/9/2019 12:41 AM EST
Talaado, July, 09, 2019 (HOL) - Sida ay sheegeen masuuliyiinta Shirkadda Quwada Korontada ee dalka Itoobiya waxaa lajoojiyay Korontadii badanaa ka gu'i jirtay dhammaan dalka oo dhan iyadoo maanta laga bilaabo Xaafaduhu ay toos u helayaan adeegga Koronto oo dhammaystiran.