4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2019
Dad shacab ah oo ku dhintay qarax ka dhacay Jubbada hoose

 

Talaado, July, 09, 2019 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in saddex ruux oo shacab ah ku dhinteen qarax lala eegtay gaari ay saarnaayeen deegaan hoostaga degmada maalintii shalay.

Isku-duwaha  Caafimaadka ee degmada Dhoobley  Nuur Biixi ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay uu qabsaday gaari ay la socdeen dad shaab ah oo ka soo anbabaxay deegaanno hoostaga degmada.

Waxaa sidoo kale la dhigay goobo caafimaad oo ku yaala qeybo ka mid ah gobolka Jubbada hoose gaar ahaan degmada Dhoobley dad qaba dhaawacyo kala duwan oo dhamaantood ahaan dad rayid ah oo la socday gaariga ay miinadu ku qarxday.

Majirto cid ilaa iyo hadda sheegatay qaraxa miino ee qabsaday Gaari ay la socdeen dadka shacabka ah, balse qaraxyada noocaas oo kale ah ee ka dhaca gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu bartilmaameedsadaa ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ee ka howlgala deegaannadaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]