4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2019
Korontadii go'i jirtay dalka Itoobiya oo la joojiyay

 

Talaado, July, 09, 2019 (HOL) - Sida ay sheegeen masuuliyiinta Shirkadda Quwada Korontada ee dalka Itoobiya waxaa lajoojiyay Korontadii badanaa ka gu'i jirtay dhammaan dalka oo dhan iyadoo maanta laga bilaabo Xaafaduhu ay toos u helayaan adeegga Koronto oo dhammaystiran.

Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale sheegay in Warshadaha dalka noocay doonaan ha ahaadaane ay iyagu 50% helayaan Korontada sababtoo ah iyadoo wali biyihii aysan gaadhin halkii loo baahnaa, balse rajo la qabo xilli roobaadka soo socda la heli doono biyo buuxiyaha biyo xidheennada Korontada laga dhaliyo ee dalka Itoobiya.

Adeegga Koronto ee dalka Itoobiya ayaa bilihii u dambeeyay cidhiidhi ku jiray iyadoo goobaha ganacsi ee badanaa Korontada ku shaqeeyaa iyo Xaafaduhuba ay dhibaato ku qabeen Koronto xumidii dalka ka jirtay, sidoo kale Warshadaha wax soosaarka leh ee dalka ayaa iyaguna dhibka Koronto xumida qabay, balse iyagu wali Adeeg Koronto oo toos ah ma heli doonaan ilaa dib looga shaaciyo in biyo xidheennada Korontada laga dhaliyo ee dalka ay biyo ku filan heleen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]