4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2019
RW Khayre oo la kulmay ganacsatada Galmudug

Sabti, July, 06, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Ganacsatada ka soo jeeda deegaannada dowlad-gobaleedka Galmudug.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ganacsatada ayaa looga hadlay arrimaha nabadeynta iyo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug dhammaystiran, loo dhanyahay kana shaqeysa danaha reer Galmudug.

Ganacsatada ayaa Ra’iisul Wasaaraha u ballan qaaday in ay qaadanayaan dowrka uga aaddan Nabadeynta, Dhismaha iyo Horumarinta dowlad gobaleedka Galmudug.

Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamo wadatashi ah oo Ra’iisul Wasaaraha dalka uu deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug kula yeelanayay qaybaha kala duwan ee bulshada si looga shaqeeyo dhismaha iyo dhammaystirka hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]