4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2019
Wasiir Sadiiq Warfaa: 30 sanno kaddib waxaan raadinaynaa sahanka suuq shaqada rasmiga ee Soomaaliya ka jira


Sabti, July, 06, 2019 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar la xiriiray sahanka suuqa shaqada Soomaaliya.


"Maanta waxaan rabaa in taariikhda lagu xuso, 30 sanno kaddib waxaad raadinaysan sahanka suuq shaqada rasmiga dalka Soomaaliya ka jira." ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa oo wakiillada ka qeybgalay tababarka la hadlayay.

"Idinka waxaa tababarka la idin siiyay ma aha inad guryihiina iyo shaqooyinkiina aad ku laabataan waxaa la idinku aaminay hadaf qaran oo dowladda federaalka Soomaaliya ay leedahay oo ah in la ogaado suuqa shaqada rasmiga ah ee dalka ka jirta.. marka waxaa la idin ka baahanyahay oo waajib idin ka saaranyahay xogta rasmiga ah ee jirta, si loo ogaado yaa dalkan shaqeeya, yaan shaqeyn, yey shaqadiisa hooseysa, meeqo saac la shaqeeya." ayuu ku daray wasiir Sadiiq Warfaa.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay hay'adaha ka taageeray dedaalada socda ee lagu doonayo sahanka in lagu oggaado, wuxuuna arrintaa in laga dhabeeyo uu kula dardaarmay wakiilada tababarka ka faa'ideystay ee ka socday dowlad-gobolleedyada.

Gabagabadii, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya wuxuu caddeeyay inay ka go'antahay horumarinta shaqaalaha iyo xal u helida shaqo yaraanta ka jirta dalka, dareenka oo uu sheegay inay dalka ku hoggaaminayaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul wasaare Khayre.

Tababarka ayaa waxaa ka qeybgalay wakiillo 60 gaaraya oo ka socday dowlad-gobolleedyada dalka, waxaana xiritaankiisa ka qeybgalay madaxa hay'adda shaqaalaha adduunka ILO ee Soomaaliya, Saad Gilani ,xoghayaha ururka shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) , Cumar Faaruq Cusmaan , mas'uuliyiin ka tirsan wasaaradda qorsheynta federaalka iyo xubno kale.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]