4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2019
Madaxwayne Mustafe cagjar iyo Axmed Shide oo Jigjiga soo gaaray
 

Sabti, July, 06, 2019 (HOL)-Masuuliyiinta u saraysa DDS oo ay ka mid yihiin Madaxwaynaha Dawladda Degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Cagjar iyo Guddoomiyaha XDS ahna Wasiirka Maaliyadda ee dalka Itoobiya Axmed Shide Maxamed, Masuuliyiinta ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Jigjiga.

Imaanshiyaha Mas' uuliyiintan ee Jigjiga ayaan horey loo shaacin, iyagoo la filayo in maalmaha soo socda shirar la yeelan doonaan madaxda degaanka.

Axmed Shide oo ah Guddoomiyaha XDS ahna Wasiirka Maaliyadda ee dawladda Itoobiya ayaa inta badan fadhigiisu yahay Addis Ababa, Jigjigana yimaadda xilligii loo baahdo waxaana iska cad in hadda uu hawlo muhiim ah u yimid degaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]