3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 6 , 2019
Ra'iisul wasaare Khayre oo laga dalbaday inuu horyimaado Baarlamaanka si uu ula socod siiyo arrimaha muranka Badda

Sabti, July, 06, 2019 (HOL)- Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo maanta hadal ka jeediyay xarunta golaha shacabka ayaa ka codsaday ra'iisul wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Khayre inuu Baarlamaanka horyimaado si uu ula socod siiyo arrimaha muranka Badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Baarlamaanka inuusan wax badan kala socon xaaladda, si ay wax uga oggaadana ay muhiim tahay in ra'iisul wasaaraha xukuumadda uu sharraxaad dheer ka siiyo oo Baarlamaanka xaaladda laga talogeliyo.

Xildhibaan Ciyaar Jecel ayaase hay'adaha arrimaha ku shaqada leh ee dalka ku ammaanay jawaabaya ay ka bixinayeen iyo warbixinnada ay soo gudbiyeen.

Balse, guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudey oo guddoominayay fadhiga maanta ee golaha shacabka ayaa sheegay  in ay la socdaan xaaladda muranka Badda Soomaaliya ee ay Kenya waddo, isagoo intaa ku daray inay eegayaan bal cidda wax ka bedesha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/6/2019 2:34 PM EST
Sabti, July, 06, 2019 (HOL)- Wasaaradda arrimaha gudaha,federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka ayaa goor dhow soo saartay go'aamo cusub oo la xiriira doorashada Jubbaland.

7/6/2019 1:13 PM EST
Sabti, July, 06, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta Baarlamaanka ka hor akhriyay sharciga Shaqaalaha Rayidka oo wax ka bedel lagu sameeyay.

7/6/2019 12:04 PM EST
Sabti, July, 06, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Ganacsatada ka soo jeeda deegaannada dowlad-gobaleedka Galmudug.

7/6/2019 11:49 AM EST
Sabti, July, 06, 2019 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar la xiriiray sahanka suuqa shaqada Soomaaliya.

7/6/2019 11:16 AM EST
Sabti, July, 06, 2019 (HOL)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay inay soo dhoweynayaa guulihii uu madaxweyaha Somalialnd ka gaadhay inuu qadiyada Somaliland gaadhsiiyo galbeedka Afrika,isla markaana muxaafid iyo mucaaridba si wada jir ah usoo dhoweynayaan weftiga madaxweynaha.

7/6/2019 11:09 AM EST
Sabti, July, 06, 2019 (HOL)-Masuuliyiinta u saraysa DDS oo ay ka mid yihiin Madaxwaynaha Dawladda Degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Cagjar iyo Guddoomiyaha XDS ahna Wasiirka Maaliyadda ee dalka Itoobiya Axmed Shide Maxamed, Masuuliyiinta ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Jigjiga.

7/6/2019 7:22 AM EST
Sabti, July,06, 2019 (HOL)-Dowladda Cuba ayaa xaqiijiysay in ay nool yihiin Labo dhakhtar oo Kubaan ah oo laga soo afduubtay xuduudda Kenya ee Soomaaliya bishii April ee sanadkaan sidda ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Cuba.

7/6/2019 7:20 AM EST
Sabti, July, 06, 2019 (HOL)-Gabar 12 jir ah oo dabayaaqadii toddobaadkii hore ku geeriyootay wabi ku yaal Irwell ee magaalada Bury, Greater Manchester ee dalka Ingiriiska ayaa cadaalad dalbaday.

7/6/2019 7:17 AM EST
Sabti, July, 06, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horreysay ka hadashay heshiis ay Jimcihii gaareen dhinacyada Suudaan.

7/6/2019 6:04 AM EST
Sabti, July, 06, 2019 (HOL)-Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadii ugu muhiimsanaa ee looga hadlay kulan maanta ka dhacay Gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo uu la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

7/6/2019 2:08 AM EST
Sabti, July, 06, 2019 (HOL) – Dowladda Tunisia ayaa xarumaha dowladda ka mamnuucday xirashada niqaabka, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha dalkaas Youssef Chahed.

7/6/2019 1:14 AM EST
Sabti, July, 06, 2019 (HOL) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ku yeeshaan xaruntooda kulankoodii caadiga ah, kaa oo looga dooddi doono sharci muhiim ah.

7/6/2019 1:00 AM EST
Sabti, July, 06, 2019 (HOL) – Wasaarradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ay soo saarto go’aamo kale oo la xiriira siyaasaddeeda Arrimaha dibadda kaddib fariimo loo diray bahda Warbaahinta dalka oo lagu war-galiyay in ay yimaadaan xarunta Wasaarradda