4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2019
Qoyska gabar 12 jir ah oo ku dhimatay wabi ku yaalla Ingiriiska oo cadaalad dalbaday

Sabti, July, 06, 2019 (HOL)-Gabar 12 jir ah oo dabayaaqadii toddobaadkii hore ku geeriyootay wabi ku yaal Irwell ee magaalada Bury, Greater Manchester ee dalka Ingiriiska ayaa cadaalad dalbaday.

Boqollaal qof ayaa ka qeybgalay aaska marxuun Shukri Yaxye oo Soomaali ah, iyadoo  dadka ka qeybgalay aaska Shukri Yaxye Cabdi oo muddo hal sano ah joogtay dalka Ingiriiska ayaa watay boorar ay ku qornaayeen “Waxaan dooneynaa caddaalad” iyadoo qoyska gabadhan ay sheegeen in Shukri aysan ku dhicin wabiga balse lagu ridey.

Zamzam Ture oo ah Shukri hooyadeed ayaa iyadoo ilmeynaysa waxa ay codsatay in caddaalada la horkeeno cidda mas’uulka ka ahayd inay gabadheeda ku dhacdo wabiga.

“Booliska waxa ay ii sheegeen in gabadhayda dhimashadeeda ay ku timid shil iyadoo la ciyaareysay carruur kale,”ayay tiri Zamzam.

“Ilmaha kale waxba sooma gaarin xitaa dharkooda ma qoyaneyn,waa been runta ayaa la diidan yahay.”ayay sii raacisay Zamsam.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]