4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2019
Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska dhinacyada Suudaan

Sabti, July, 06, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horreysay ka hadashay heshiis ay Jimcihii gaareen dhinacyada Suudaan.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah , Axmed Ciise Cawad oo suxufiyiinta maanta kula hadlay Muqdisho ayaa caddeeyay heshiiska inay boggaadinayso, soona dhaweynayso dowladda Soomaaliya.

Heshiiska ayaa lagu wadaa inuu meesha ka saaro dibadbaxyo iyo qalalaase dalkaa uu ku jiray tan iyo markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii soddonka sanno dalkaas ka talinayay ee Cumar Al Bashir.

Dhinacyada heshiiska gaaray oo kala ah milatariga xukunka afgembiga ku qabsatay , kooxo mucaarad ah iyo kuwa dibaxbaxyada wada, wuxuu dhigaya in gole ka kooban dhammaan dhinacyada la dhiso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]