4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2019
Tunisia oo xarumaha dowladda laga mamnuucay xirashada niqaabka

Sabti, July, 06, 2019 (HOL) – Dowladda Tunisia ayaa xarumaha dowladda ka mamnuucday xirashada niqaabka, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha dalkaas Youssef Chahed.

Go’aankan waxaa loo cuskaday arrimo amni, iyadoo jimcihii shalay si rasmi ah xukuumadda dalkaas ay u shaacisay inaysan dumurku ku soo shaqo tagi karin niqaabka.

Indho shareerka ayaa waxaa xirta qaar ka mid ah haweenka muslimiinta ah oo u arko in uu yahay dhar xishoodka ka tarjumaya iyo in uu yahay calaamad diineed, balse dowladda Tunisia waxaa ay soo saartay go’aanka lagu mannuucayo  kaddib markii toddobaad gudihiis ay saddex weerar oo ismiidaamin ah ay ka dhaceen magaalada caasimadda ah ee Tunis.

Kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa xukuumadda ugu baaqay in ay mamnuucista ka dhigto mid ku meel gaar ah.

Hoggaamiyihii mudda dheer xukumayey dalka Tunisia Zine al-Abidine Ben Ali ayaa niqaabka iyo xijaabka ka mamnuucay dhismeyaasha dawladda, balse waxay dib ugu soo laabteen markii xilka laga tuuray sannadkii 2011-kii.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]