4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2019
Maxaa looga hadlayaa kulanka Golaha Shacabka ee maanta

 

Sabti, July, 06, 2019 (HOL) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ku yeeshaan xaruntooda kulankoodii caadiga ah, kaa oo looga dooddi doono sharci muhiim ah.

Ajendaha kulanka ayaa ah Akhrinta koowaad ee wax ka badalka sharciga shaqaalaha rayidka iyo warbixinta Baarlamaanka Jaamacadda Carabta.

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .

Waxaa jiray digniinno horey uga soo baxay guddoonka Golaha Shacabka oo ka dhan ahaa xildhibaannada iyaga oo ku sugan dalka uga maqnaada si xiriir ah kulamada Golaha Shacabka, iyadoo dhowr jeer  oo  hore u qabsoomi waayeen kulamada Golaha Shacaba kooram la'aan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]