4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2019
Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo soo saareysa go'aanno kale oo la xiriira siyaasadda Arrimaha dibadda

 

Sabti, July, 06, 2019 (HOL) – Wasaarradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ay soo saarto go’aamo kale oo la xiriira siyaasaddeeda Arrimaha dibadda kaddib fariimo loo diray bahda Warbaahinta dalka oo lagu war-galiyay in ay yimaadaan xarunta Wasaarradda

War-qoraal ah oo warbaahinta loo diray ayaa lagu war-galiyay ka soo qeybgalka kulan la qaban doono 6 bisha July oo beegan maanta oo Sabti ah balse lama caddeyn arrimaha uu la xiriiro shirka iyo waxa looga hadlayo.

Go’aankii u dambeeyay ee wasaaradu qaadatay ayaa xiriirka loogu jaray dalka Jamhuuriyada Gini, go’aankaa ayaa siweyn loogu dhaliilay dowladda, iyadoo siyaasiyiinta qaarna ay sheegeen in markii horeba uusan jirin xiriir Diblomaasiyadeed oo ka dhaxeeya labada wadan, sidaa daraadeed uu waxba kama jiraan yahay warka ka soo baxay Wasaarradda.

Dadka sida weyn u dhiilala siyaasadda Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegaya in aysan laheyn jiho loo raaco, iyadoo marar badan oo hore Wasaarraddu qaadatay go’aamo iska horimanaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]