4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2019
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo suxufiyiinta u yeertay

Jimco, July, 05, 2019 (HOL)- Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa mar kale u yeertay warfidiyeenada, si baa la yiri ay ugu soo qeybgalaan shir gaar ah.

War-qoraal ah oo warbaahinta loo diray ayaa shirkaa lagu wargeliyay,kaaso la sheegay in la qabanayo 6 bisha July ee Sabtida berri ah ku beegan balse lama caddeyn arrimaha uu la xiriiro shirka iyo waxa looga hadlayo.

Shirkan ayaa ku soo aaddaya xilli maalin ka hor ay wasaaraddu ku dhowaaqday inay xiriirka u jartay waddanka Guinea ee galbeedka Afrika.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]