4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2019
Cawad: Kenya way nooga duwantahay Gini

Jimco, July, 05, 2019 (HOL)- Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa la waydiiyay sababta ay sida dhaqsada ah xiriirka ugu jareen dalka Gini ee ay ugu dhici waayeen dalalka kale ee gobolka oo ay Kenya ka mid tahay.

Wasiirka oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dalka Kenya uu ka mid yahay dalalka dariska ah , taasina ay keenayso inay dulqaad badan u muujiyaan.

"Kenya way nooga duwantahay Gini, xiriiro badan baa naga dhaxeeyay , wax is dhaafsi badan baa naga dhaxeeyay, malaha samir dheeraad ah ayaan u muujinay Kenya.. xiriirkayagu heerka uu ahaa iyo darisnamada naga dhaxeysa daraadeed." ayuu yiri Cawad oo marka ka jawaabayay Kenya oo sameysay dhaqdhaqaaqyo la mid ah midka Gini sababta aysan go'aan uga qaadan.

Dalalka Gini iyo Kenya ayaa soo dhaweysanayay mas'uuliyiinta Soomaaliland, iyadoo maamulka uu raadinayo inuu madax bannaani ka helo jamhuuriyada Soomaaliya.

Waxaa kalo uu ka jawaabay, wasiirka arrimaha dibadda - hadal ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo sheegtay inuu daciif yahay kiiska badda ee labada dal u dhaxeya, wuxuu arrinta uga jawaabay 'iyada ayay la tahay' isagoo inta ku daray in nooca uu kiiska yahay ay maxkamadda cadaaladda ee ICJ-da go'aan ka gaari doonto.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]