4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2019
Taliyihii hore ee booliska Al Jeeriya oo musuqmaasuq loo xiray

Jimco, July, 05, 2019 (HOL)- Taliyihii hore ee booliska dalka Al Jeeriya ,Abdelghani Hamle  iyo labo wiil oo uu dhalay ayaa la xiray, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ujeeddada loo xiray, waxaa lagu sheegay in lagu soo eedeyay fal musuqmaasuq, mana aysan ka hadlin taliyihii hore ee la xiray iyo labada wiil ee uu dhalay eedeynta loo soo jeediyay.

Xarigan ayaa ka dambeeyay, iyadoo booliska dalkaas uu muddooyinkii dambe waday howlgal iyo dabagal lagu hayay madaxda dowladdii hore iyo ganacsatada waaweyn oo aad ugu dhowaa madaxweynihi hore Cabducasiis Butafliiqa iyaga oo baaritaanno dheer oo la xiriira lagu sameynayay musuqmaasuqa waday.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]