4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2019
Muran ka taagan cida biyogelin ku samaynaysa magaalada Laascaanood

 

Jimco, July, 05, 2019 (HOL)-Xiisad ka dhalatay biyogelinta magaalada Laascaanood ayaa todobaadkan taagnayd ka dib markii isbahaysi hantiilayaal degaanka ah ay isu diyaariyeen in ay daboolaan baahida biyood, balse taas wasaarada biyaha ay waxba kama jiraan ku tilmaantay.

Xiisadan ayaa cirka mar keliya isku shareertay ka dib markii qaar ka mid ah Shirkada Nugaal oo todobaadkii tegey wadey sidii ay qasabadaha biyaha u soo taxaabi lahaayeen iyagoo dhinaca bari ka keenaya xabsiga loo taxaabay, laguna eedeeyey in ay hanti qaran u isticmaaleen sidii hanti ay leeyihiin.

Wasiirka Wasaarada Biyaha oo mudo ku sugnaa magaalada Laascaanood ayaa meesha ka saaray in biyogelinta magaalada shirkad gacanta loo geliyo "Aniga Saleebaan ahaan waxaan hayaa hanti umadeed ee ma hayo hanti cid gaar ahi leedahay, ana gacanta u gelinmaayo" ayuu yidhi wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore.
 
Shirkada Nugaal waxay Ceelal dhawr ah ka qoday bariga magaalada Laascaanood, waxay keeneen wershedo sifeeya biyaha iyo khuboro dalka Shiinaha ay ka soo kaxaysteen si ay qalabka biyaha safaynaya iyo baadhistoodaba ugu fududeeyaan.
 
Halka sartu ka qudhuntay ayaa noqotay kadib markii shirkadani ay u adeegsadeen agab ay lahayd wakaaladii biyaha ee Soomaaliyao iyo kuwo ay hay'addo ku kordhiyeen sagaashamaadkii oo uu ka mid yahay Taangiga kaydka biyaha.
 
Inkasta oo Ganacsatada jeebka buuran intooda badan ay ku midaysan yihiin shirkadan ayaa hadal haynta dadka badankoodu ay qabaan in hadii shirkadani ay qabsato biyaha iyagoo horeyna korantada u haystey ay noqonayaan in ay bulshada siday doonaan ka yeelaan, halka dadyar ay qabaan in muhiim ay u tahay oo keliya biyo in la helo.
 
Maxamed Jabuutaawi oo ka mid ah Ganacsatada ugu saamaynta badan magaalada oo shalay ka hadlay biyaha waxa uu sheegay in ay xaaraan tahay in cid gaara biyaha gacanta loo geliyo.

Magaalada Laascaanood oo biyogelintii ugu horaysey lagu sameeyey kontomaadkii oo ay 2000 ruux ku noolaayeen waxaa biyaha laga siin jirey ceel ku yaala magaalada Badhtankeeda, dawladii kacaankii ayaa markale Goojacade oo duleedka magaalada biyogelin ka samaysay waxase ay la burburtay dawladii, 1993dii hay'adda OXFAM ay samaysay biyogelintii ugu balaadhnayd waxayse shaqaysay mudo kooban.
 
Somaliland mudo 12 sano ah waxa ay isku day ay hay'addo kaladuwan gacansiinayaan ay ku sameeyeen biyogelin iyo baadhitaano badan oo malaayiin Doolar ku bexeen waxaase ay noqdeen dhamaantood hal bacaad lagu lisay, waxaase haatan loo hayaa dhaqaale aad u badan oo biyo nolosha ku haboon loogu baadigoobayo magaalada waana taas ta keentay in dadbadan u xusul duubaan sidii ay u hantiyi lahaayeen dhaqaalahaa oo horumarinta haatan taala lagu sheegay shan milyan oo Doolar.
 
Magaaladan waxa ay leedahay laba ilo biyood oo mid ka mid ah ay tahay durdurka Laascaanood oo aan dadku cabin waxna ku karsane ee waxyaabaha kale ay u isticmaalaan halka isha labaadna ay tahay Barkadaha biyaha roobka lagu kaydiyo.
 
Seynab Cabdi Warsame
 laascaanood G.sool