Wasiir Farotoon“maamulka Xamar ka dhisani isaga Ginni u baahan ee Gini uma baahna”
Jimco, July, 05, 2019 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa ka hadlay cilaaqaadkii dawladda Soomaaliya u jartay Gini Conakry, waxaanu sheegay in aanay Ginni u baahnayn Soomaaliya ee Soomaaliya u baahan tahay Giini.
Sidoo kale, wasiirku waxa uu
sheegay in saddexdii sanno ee u dambeeyey dawladda Soomaaliya ku dhaqaaqaysay
arrimo sii kala fogaynaya Somaliland iyo Soomaaliya, taas oo colaad iyo xumaan
mooyee wax kale usoo kordhinayn labadda shacab.
“Cilaaqad weyn baa inoo soo
kordhay oo labadda madaxweyne way is arkeen, waxaaanu aaminsanahay in wax badan
usoo kordhinayo dhinac walba oo aanu ahayn mid laga naxo ama la dhibsado, waxa na soo gaadhaya in maamulka Xamar ka
taliya uu arintaasi ka xumaaday sidaas darteed uu gooyey cilaaqaadkii uu la
lahaa dalkaasi Ginni, maamulka Xamar ka
dhisani isaga Ginni u baahan ee Giini uma baahna, waxna kuma yeeli karo
xidhiidhka wanaagsan ee u bilowday Ginni iyo Somaliland, Xamar iyada la
ilaaliay isaga wax la tara isaga
nabadgalyadiisa la ilaaliya isaga guryaha lagu ilaaliya, anaga wax uu na
yeelayaa ma jiro ee isaga wax iska xumaynaya, waxa kaliya ee ay na tusaysa
cadaawada iyo ciilka iyo wax kala fogaansho sii dhaliya mooyee in aanu
maamulkaasi wax kale ku kicin.”ayuu yidhi wasiir Farotoon.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata
waxa uu yidhi “maamulkaasi dhawrkii
sanno ee u dambeeyey wuxuu samaynayey wixii aanu ku sii kala fogeyn lahayn
haday tahay mucaawimooyinka oo la nagala dagaalamo, dadkeenu oo uu isku dayo
inuu godoomiyo, nabadii lagu wada noolaan lahaa oo uu ku bedeshay colaad wax
wanaag ah oo la iskugu soo dhowaado maamulkaasi lagama arag.”
Wasiir Farotoon ayaa sheegay inuu
sii xoogaysanayo xidhiidhka ay dalal badan oo caalamka ah la yeelanayaan,
waxaanu xusay in dalal badan oo afrika, Aasiya iyo Yurub hore uga lahaayeen
xidhiidh saaxiibinimo.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.