3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2019
Qaramada Midoobey oo ka hadashay duqeyntii lagu laayay muhaajiriinta ee dalka Libiya

 

Jimco, July, 05, 2019 (HOL) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaalada xarun ay ku jireen dad tahriibayaal ah oo la duqeeyay dhowaan ay rasaas ku fureen dadkii xeradaasi ku jiray oo isku dayay in ay ka baxsadaan duqeynta ku soctay halkii ay ku xirnaayeen.

Inta la xaqiijinayo ilaa Lixdan ka mid ah dadkan ayaa geeriyooday halka 77 kalana ay ku dhaawacmeen duqeyn ka dhacday magaalada Triopoli ee dalka Libya.

Balse ilaalada xarunta ayaa iska fogeeyay dhankooda islamarkaana beeniyay in ay rasaas ku fureen dadka tahriibayaasha ah ee doonayay in ay lafahooda la baxsadaan.

Xafiiska OCHA ay ku leedahay dalka Libya ayaa sheegay in ay jiraan warbixino sheegaya in qaar ka mid ah qaxootigii iyo tahriibayaashii ku jirey xaruntaas ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ilaalada.

Dadka ku dhintey duqeytan oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen xoogaga general Xaftar waxaa ka mid ahaa ilaa lix carruur ah.

Guud ahaan marka la eego tahriibayaasha ku jira xiryaha dalka Libiya ayaal lagu qiyaasaa in ay gaarayaan ilaa Lix Kun oo ruux, balse Qaramada Midoobey ayaa hore uga digtey in dalka Libya uusan ahayn wadan xasiloon waxayna dalabtay in la sii daayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]      













Click here
7/5/2019 5:00 PM EST
Jimco, July, 05, 2019 (HOL)- Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa mar kale u yeertay warfidiyeenada, si baa la yiri ay ugu soo qeybgalaan shir gaar ah.

7/5/2019 4:39 PM EST
Jimco, July, 05, 2019 (HOL)- Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Sabtida berri ah kulan ku leh xarunta golaha shacabka ,iyadoo kullanka lagu wargeliyay xildhibaannada golaha shacabka.

7/5/2019 11:32 AM EST
Jimco, July, 05, 2019 (HOL)- Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa la waydiiyay sababta ay sida dhaqsada ah xiriirka ugu jareen dalka Gini ee ay ugu dhici waayeen dalalka kale ee gobolka oo ay Kenya ka mid tahay.

7/5/2019 11:19 AM EST
Jimco, July, 05, 2019 (HOL)- Taliyihii hore ee booliska dalka Al Jeeriya ,Abdelghani Hamle iyo labo wiil oo uu dhalay ayaa la xiray, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

7/5/2019 11:08 AM EST
Jimco, July, 05, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya , Xasan Cali Khayre ayaa maanta sheegay in lagama maarmaan tahay midnimada Galmudug, si loo dhameystiro howlgalka khawaarijta looga xoreynayo goobaha ay kaga harsan yihiin Dowlad Goboleedka Galmudug.

7/5/2019 11:03 AM EST
Jimco, July, 05, 2019 (HOL)- Siyaasiga hoggaamiya xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ,Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku dhaleeceeyay xukuumadda Soomaaliya go'aanka ay xiriirka ugu jartay dalka ku yaalla galbeedka Afrika ee Gini .

7/5/2019 9:45 AM EST
Jimco, July, 05, 2019 (HOL)-Xiisad ka dhalatay biyogelinta magaalada Laascaanood ayaa todobaadkan taagnayd ka dib markii isbahaysi hantiilayaal degaanka ah ay isu diyaariyeen in ay daboolaan baahida biyood, balse taas wasaarada biyaha ay waxba kama jiraan ku tilmaantay.

7/5/2019 4:47 AM EST
Jimco, July, 05, 2019 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa ka hadlay cilaaqaadkii dawladda Soomaaliya u jartay Gini Conakry, waxaanu sheegay in aanay Ginni u baahnayn Soomaaliya ee Soomaaliya u baahan tahay Giini.

7/5/2019 1:20 AM EST
Jimco, July, 05, 2019 (HOL)–Iyadoo si gaar ah isha loogu wada hayo doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa looga dhawaaqay magaalada Kismaayo hab raaca jadwalka soo xulista xildhibaannada iyo doorashada madaxweynaha Jubbaland.